Thursday, May 11, 2017

Maxey Ka Wada Hadleen Antonio Conte & Walter Sabatini Kadib Kulankoodii London? Miyuu Antonio Kusii Jeeda Inter?

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha talyaaniga tababare Antonio Conte ayaa kulan la qaatay agaasimaha cusub ee kooxda Inter Milan Walter Sabatini.
Macalinkii hore qaranka Azzurri ayaa hal guul kaliya u jira inuu u dabaal dago hanashada Premier League isagoo xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay qaadanaya, balse cabsi badan ayaa jirta ah inuu soo afjaro waayahiisa galbeedka London.
Si kastaba Antonio Conte waa dooqa koowaad ee Inter Milan iyadoo milkiilayaasha reer China ay doonayaan iney xili ciyaareedka soo aadan kooxda dib u habeyn ku sameeyaan,  Gazzetta dello Sport ayaa shaacisay in Walter iyo Conte ay kulan casho ah ku qaateen London.
Kulanka labada nin waxa looga wada hadlay sidii uu Antonio Conte ku imaan lahaa San Siro isla markaana ku qaadan lahaa 70 Malyan oo Euro muddo shan sanadood ah iyo lacago aan la xadid laheyn oo uu suuqa kaga dukaameysto.
Sidoo kale qorshaha Inter Milan wuxuu yahay iney kooxda keenaan Cristian Stellini oo ah saaxiibka ugu fiican ee Antonio Conte kaas oo tababare u ah da’yarta Genoa.
Dhanka kale Conte heshiiska uu kula jiro Blues wuxuu dhamaanayaa 2019 madama uu sadex sano saxiixay sida warbixinada qaar ay sheegayaanna wuxuu diyaar u yahay inuu heshiiska u kordhiyo kadib hanashadiisa horyaalka

No comments:

Post a Comment

codsigada noo soo gudbi